U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Furay Kalfadhiga 7-aad Ee Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw waxa uu furay Kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka.

Kulanka maanta ee xildhibaanada waxaa soo xaadirtay 141 mudane, iyadoo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu madaxeynaha kusoo dhaweeyay codbaahiyay.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in uu Kalfadhiga uu furan yahay, isaga oo ka hadlay arrimo badan.

Sida ku cad qodobka 90-aad ee Dastuurka Somaliya, xarafkiisa (g), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa furaya, soona xiraaya Fadhiyada Golaha Shacabka.

Dhanka kale ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan dhammaan wadooyinka gala xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi loo diidayaa gaadiidka shacabka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News