U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Markab Sida Soomaali Badan Oo Kasoo Carartay Dagaallada Yemen Oo Soo Gaaray Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw uu kusoo xirtay Markab wada Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Wariyaha Goobjoog News ee magaalada Boosaaso Yuusuf Cabdi Shire ayaa soo sheegaya in tiro ahaan dadkaan ay ka badan yihiin 2-kun oo ruux, waxaana lagu soo dhaweynayaa Dekadda Boosaaso.

Dekadda Waxaa ku sugan guddiga Gurmadka Boosaaso, xubno ka socda wasaaradda caafimaadka Puntland, maamulka Gobalka Bari iyo Kan magaalada Boosaaso.

Warkaan oo faah faahsan goor dhaw ayaan idiin soo gudbin donnaa Insha Allah.

Goobjoog News