U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Degmada Afgooye oo lagu dilay nin la shaqeynayey maamulka degmadaasi

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaweyd toogasho lagu diley wiil dhalinyaro ah oo la shaqaynayay maamulka magaalada, waxaanma haatan socda hawlgal lagu dabogalayo dadkii dilka ka dambeeyey.

Wiilkani ayaa waxaa la sheegey in si mutadhawacnimo ah ula shaqaynayay maamulka, isaga oo mararka ay kulamada dadweynaha jiraan soo abaabuli jirey dadka, sidoo kale ka qeybqaadan jirey hawlaha nadaafadda.

Wiilkani ayaa magaciisa lagu sheegey Cabdi Jaliil, waxaana dilkiisa aad oga naxay dadka magaalada oo u arkay qof bulshada wax wanaagsan u qabanaya.

Goobjoog News