U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in qarax la sheegay inuu yahay Miino uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qaraxan ayaa ka dhex dhacay gaari nooca raaxada ah, waxaana la sheegay in halkaasi uu Hal qof ku dhintay mid kalena uu dhaawacmay sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Weli lama xaqiijin qofka gaariga lagu qarxiyay iyo waxa uu ahaa, hase ahaatee goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray askar ka tirsan dowladda Federaalka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News