U bood dhigaalka

War Deg Deg ah : Qarax Ka Dhacay Agagaarka Jubba, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in qarax uu ka dhacay isgoyska Ex Hotel Hoteel Jubba ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo dhaliyey qasaare badan, balse aanan la ogeyn tirada dadka ku dhintey ayaa waxa uu ka dhacay meel maqaayad oo kasoo horjeeda halka uu ku yaala dhismaha hoteelka Jubba.

Meesha uu qaraxa ka dhacay waa meel aad ugu dhow xarunta nabad suggida qaranka ee NISA.

Gaadiidka gargaarka degdega ah ayaa la arkayaa iyaga oo wadada ku cararaya, islamarkaasina qaadaya dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Wixii faahfaahin ah dib ayaan kasoo tabin doonaa

Goobjoog News