U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Ka Dhacay Magaalada Marka Ee Gobalka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi goor dhaw uu ka dhacay Qarax, kaasi oo lala eegtay ciidamo ka mid ah AMISOM.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News, in qaraxan uu ahaa Bam gacanta laga tuuro, kaasi oo lala eegtay gaadiid ay leeyihiin ciidanka AMISOM oo marayay meel ku dhaw saldhigga Booliiska ee magaaladaasi.

Laba qof ayaa la sheegay in halkaasi ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo shacab ah, iyadoo dhanka kale la maqlayo rasaas dhacaysa.

Goobaha ganacsiga ee ku dhaw halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid gabi ahaanba xiran, waxaana sidoo kale socda howlgal ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News