U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Ka Dhacay Wadada Makka Al-mukarrama Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaqiisa laga maqlay meello badan oo magaalada Muqdisho ah.

Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan gaariga qarxay waxa uu ahaa, wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga la dhigay la dhigay wadada dhinaceeda meel ku dhaw Shineemo Soomaali, nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha uu qarxay, halka dadka qaar ay sheegayaan inuu ahaa ismiidamin oo qof uu la saarnaa gaariga.

Qof ku sugan meel ku dhaw halka qaraxa uu ka dhacay ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News inuu arkay dhaawaca Shan qof oo shacab ah, islamarkaana khasaaraha uu intaasi ka badan karo

Qaar ka mid ah xarumaha ganacsi ee ku yaalla halka qaraxaan uu ka dhacay waxaa soo gaaray burbur, waxaana hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo gaadiidka gurmadka degdega ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News