U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Miino Oo Goor Dhaw Ka Dhacay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu goor dhaw ka dhacay qarax Miino, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qaraxaan oo ahaa Miino dhulka ku aasneyd ayaa wararku waxay sheegayaan inuu ka dhacay suuqa Xoolaha ee degmada Afgooye.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Afgooye Yuusuf Maxamed ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in qaraxaasi uu ku dhintay Hal Askari, sidoo kalne ay ku dhaawcmeen Akari kale iyo shacab halkaasi ka dhawaa.

Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa gaarayu ciidamada ammaanka ee maamulka degmada Afgooye, waxaana hakad ku jira ganacsigii suuqa Xoolaha ee degmada Afgooye.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News