U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Waxyeello Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax Miino oo khasaare dhaawac u badan geystay.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay suuqa degmada Afgooye, kaasi oo lala eeganayey ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna ahaa qarax dhulka lagu aasay.

8 qof oo Labo ka mid ah ay yihiin ciidanka dowladda hoose ayaa halkaasi dhaawac uu kasoo gaaray sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay qof goob jooge ah.

6-da qof ee shacabka ah ayaa la sheegayaa in Labo ka mid ah ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidanka Koonfur Galbeed ee halkaasi ku sugan, xaaladda suuqa degmada Afgooyena waa mid aad u kacsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News