U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax Miino uu goor dhow ka dhacay duleedka degmadaasi kaasi oo khasaare u geystay askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Wararka waxay sheegayaan in qaraxan uu ahaa Miino lagu aasay bar koontarool oo ciidamada dowladda ku lahaayeen duleedka degmada Afgooye.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay Askar ka tirsan ciidankii ku sugnaa Koontaroolkaasi, waxaana dhaawac uu soo gaaray askari kale sida uu Goobjoog News u xaqiijiyey Mahdi Xasan oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmada Afgooye.

Askar dheeraad ah ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, mana jiro wax dhaq dhaqaaq gaadiid iyo shacab ah oo halkaasi ka jira.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News