U bood dhigaalka

War Deg Deg ah: Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdishu

Sheeko:Dalka

Warar hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya qarax weyn oo ka dhacay wadada Maka al-mukarama ee bartamaha magaalada Muqdishu.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Dowaldda Federaalka ah ay halkaas soo gaareen, ilaa iyo hadda ma cada khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Qof goobjooge ah ayaa u sheegay idaacadda Goobjoog in gaari baakin ku jiray uu ka dhashay qaraxa tasoo keentay in sidoo kale ay qarxaan gawaaridii kale ee goobta taalay.

Wixii faahfaahin ah oo warkan ku saabsan kala soco idaacadda goobjoog.