U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Rag hubaysan oo goor dhaw degmada Wadajir ku dilay Laba qof

Sheeko:Dalka

Rag hubaysan ayaa goor dhaw waxay xaafadda Buulo Xubeey ee degmada Wadajir gobalka Banaadir ku dileen Laba nin oo saarnaa gaari nooca raaxa ah.

Dableyda wax disashay waxay la socdeen gaari kale, waxaana ay isku soo hor jareen gaariga ay dadkaan la socdeen, rasaas ay ku fureen ka dib Laba qof ayaa goobta ku dhimatay.

Ilaa hadda ma jiro faah faahin intaan ka dheer oo laga helayo dadkaan la dilay waxa ay ahaayeen iyo cida dilkooda ka dambeysay, iyadoo ragii dilka ka dambeeyay ay baxsadeen.

Maamulka degmada Wadajir oo aynu xiriir la sameenay ayaan inoo suurta gelin inaan wax ka su’aalno dilkaan iyo dadkii ka dambeeyay.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa ku sugan hadda ciidamada dowladda Federaalka ah, waxaana ay wadaan baaritaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News.