U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Rag Hubeysan Oo Nabadoon Ku Dilay Degmada Baardheere Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in rag hubeysan goor dhaw magaaladaasi ku dileen mid ka mid ah Nabadoonada degmadaasi ugu caansan.

Seddax qof oo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in Nabadoonka oo lagu magacaabayay Maxamed Dheere ay ku toogteen xaafadda Buur Kur-maan ee degmada Baardheere.

Qof ku sugan Magaaladaasi, codsadayna in magaciisa aan la shaacin ayaa u sheegay Goobjoog News, in marka hore ragga wax dilay ay istaajiyeen Nabadoonka, ka dibna ay rasaas ku fureen.

Dilkaan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan degmada Baardheere oo Al-shabaab maamusho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News