U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Shil ay ku dhinteen askar ka mid ah maamulka Jubba oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka dhacay shil sababay dhimashada iyo dhaawaca askar ka mid ah maamulka Jubba.

Gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamada maamulka KMG ee Jubba kana yimid Buulo Gaduud ee Jubada Hoose ayaa rogmaday xilli uu xawaare xoogan ku socday.

Sedax askari oo gaarigaasi saarnaa ayaa geeriyootay, sidoo kale waxaa dhaawacmay ku dhawaad 5 askari, sida uu soo sheegayo wariyaha Goobjoog Fm ee magaalada Kismaayo.

Askartii dhaawaca uu soo gaaray, waxaa la geeyay Isbitaalka magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi loo diiday in saxaafadda ay gudaha u gasho, si loo helo xogta rasmiga ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.