U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Shir ay ka qeyb galayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo ka socda Muqdisho (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ka socoda shir ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cabdiweli, waxaana shirkaan sidoo kale ka qeybgalayaasha ka mid ah xubno ka socda Golaha Wasiirada xukuumada, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin ka socota maamul gobaleedyada dalka.

Shirkaan oo looga hadlayo arimaha hiigsiga cusub ayaa goordhaw furmay waxaana uu yahay mid gogol xaar u ah shirka dhawaan la filaayo inuu ka furmo magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Waa shir sedaxdii bil mar la qabto, waxaana looga hadli doonaa waxa dowladda Soomaaliya u qabsoomay iyo sidoo kale arimaha ku aadan Hiigsiga cusub, iyadoo madaxda dalka ay hadli doonaan/

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo sidoo kale madasha shirkaan uu ka socdo in lagu soo hadal qaado khilaafka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilligaan soo kala dhex galay, iyaga oo madashaasina ku wada sugan.

q3 q2 q1

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.