U bood dhigaalka

War Deg Deg ah : Shir Looga Hadlayo Wax ka Bedelka  Qaanuunkii Badda Soomaaliya ee La Qorey 1959kii oo Ka Furmay Addis Ababa

Sheeko:Dalka

IMO

ADIS ABABA – Itoobiya :  Maanta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka furmay shir looga hadlayo wax ka bedelka iyo wax ku darista sharcigii badaha iyo dekadaha Soomaaliya ee la qoray 1959-kii, waxaana shirka ka qeyb gelaya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada kala ah Somaliland, Puntland iyo Galmudug.

Waxaa shirka soo qabanqaabiyey urur weynaha baddaha adduunka ee loo yaqaano IMO (International Maritime Organisation) waxaana aqoon isweydaarsi iyo tababaro ka bixinaya aqoonyahano ku xeel dheer xaga xeerarka, maamulka dekadaha, iyo illaalada badaha.

Waxaa shirkani si gaar ah loogu eegayaa sharcigii badaha ee Soomaaliya kaasi oo la qoray 1959-kii, iyada oo ujeedada ay tahay in wax laga bedelo qaybihii sharcigaas ee duugoobey isla markaasna lagu daro waxyaabaha ka dhiman waqtigan la joogo.

 

Goobjoog News