U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Ka Furmay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa Magaalada Muqdisho ka furmay shirka madasha wadatashiga Qaran oo looga hadli doono arrimo badan oo xasaasi ah kuna aadan dooarashada 2016-ka.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada, waxaana sidoo kale shirkaasi warbixin ka jeedin doona guddiga doorashada 2016.

Maanta Maxaa Horyaalla Shirka:

Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha  dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)

Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.

Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016

Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.

Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka

Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors)

Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda  Doorashooyinka 2016.

Wada-hadalka arrimaha aminga guud ee qaranka Somaaliya:

Aragtida fog ee Amniga qaranka Somalia iyo sidii lagu dhisi lahaa ciidan Soomaaliyeed oo tayeysan.

Go’aan ka gaaris shirar joogto ah oo lagu horumarinayo ciidamada amniga qaranka oo dowladda federaalka iyo dowlad goboledyada xubnaha ka ah ay yeeshaan markii muddo la joogaba kaas oo la jaanqaada dhismaha guud ee dib u dhiska qaranka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News