U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Shirkii Copenhagen oo goor dhaw furmay (Sawiro)

Sheeko:Dalka

DEG DEG GOOBJOOGWararka naga soo gaaraya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa sheegaya in halkaasi uu ka furmay shirkii la sugaayay ee looga hadlaayay hiigsiga 2016-ka.

Furitaanka shirkaan waxaa lasoo sheegayaa in khudbado ay ka jeediyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Haweyneyda Ra’iisul wasaaraha ka ah dalka Denmark Helle Thorning-Schid iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jefrfrey Feltman.

Shirkaan oo Laba maalin socon doona ayaa hadda xubnaha ka qeyb galaaya waxay guda geli doonaan arimo ay ka mid tahay horumarka dalka, dhismaha maamul gobaleedyada iyo arimo kale oo u badan Hiigsiga 2016.

Sidoo kale qodobada ugu muhiimsan ee aad loo falanqeyn doono waxaa ka mid ah sidii deg deg loogu dhameystiri lahaa, islamarkaana loo meel marin lahaa Dastuurka dalka u yaala oo hadda Ku meel gaar ah, iyo sidoo kale sidii dalka ay uga dhici lahayd doorashooyin xur ah sanadka 2016.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Halkaan hoose ka arag sawiro Hordhac ah oo shirka laga soo qaaday.

003 09

Goobjoog News