U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Oo Ku Geeriyooday B/weyne

Sheeko:Dalka

Goor dhaw waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ku geeriyooday Allaha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska Beesha Xawaadle.

Geerida ugaaska ayaa timid ka dib markii la sheegay in uu wadnaha Istaagay xilli uu shir gudoominayay shir halkaasi ka socday, waliba uu hadal jeedinayay.

Ugaaska ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa lagu xusuustay waan waan uu ka dhex waday beellihii ku dagaallamay magaalada Baladweyne, waxaana horay uu ugu guuleystay inuu xalliyo colaaddo ka jiray gobalka Hiiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News