U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Wasiiro ka mid ah xukuumada Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa goor dhaw gaaray wasiiro ka mid ah xukuumada Soomaaliya.

Wasiiradaan ayaa kala ah, arimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre, Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Waxaa garoonka Kismaayo kasoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka KMG ee Jubba, iyaga oo haatan madaxda maamulkaasi la qaadanaaya kulan albaabada u xiran.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedka wasiiradaan ay halkaasi u tageen arimo ku saabsan isku dhaf lagu sameeyo ciidamada halkaasi ku wadan sugan.

Warkaan oo faah faahsan la soco goor dhaw.

Goobjoog News