U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Xildhibaano diiday in la hakiyo mooshinka ka dhanka Ra’iisul wasaare Cabdiweli (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaanadii mooshinka ka keeney Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa gaashaanka u daruurey hadalkii xalay kasoo baxay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xildhibaano kale oo ahaa in la hakiyo mooshinka ka dhanka Ra’isulwasaaraha.

Xildhibaan  Axmad Aadhi Aadan oo u hadlay xildhibaanadii shirka jaraaa’id qabtay oo iyagu sheegey in ay yihiin guddi ay iska xuleen xildhibaanadii 140-ka ahaa ee mooshinka ka keeney Ra’isulwasaaraha ayaa waxa uu sheegey in Guddoomiyaha baarlamaanka ay u hartay hal maalin oo kaliya, taasina ay tahay maanta, barina ay doonayaan in mooshinka baaarlamaanka si toos ah miiska loosoo saaro.

Xildhibaanada hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Amiin Jeesoow, iyo Xildhibaan Cabdirishiid Xidig, kuwaasi oo si adag u hadlay, iyaga oo saxaafadda u qeybiyey nuqul ka mid ah mooshinkii ay gudbiyeen oo ay ku xusanyihiin waxyaabihii ay ku eedeeyeen Ra’isulwasaaraha.

Waxa ay xildhibaanada sheegeen in 6-dii bishan laga guddoomey mooshinka, lana siiyey warqad cadayn ah in mooshinka laga qaabiley, sidaasi darteedna waxay xuseen in sida ku qoran xeer hoosaadka in marka la gudbiyo mooshinka 5 maalmood kadib ay tahay in baarlamaanka la keeno.

Cabdirishiid Xidig oo ka mid ahaa xildhibaanadii hadlay ayaa sheegey in uu doonayo in uu mugdiga ka boxo in mooshinka guddoonka baarlamaanka qabtay iyo in kale, wuxuuna sheegey in warqadda Guddoonka ay cadaynayso in mooshinka la qabtay, halkaasina laga anbo qaado.

Wuxuu intaasi ku daray in ay isku dayeen in ay fursad siiyaan dadaalada waanwaanta , balse taasi quus  ka gaareen, wixii hadda ka dambeeyana ay doonayaan in laga gudbo khilaaafka, lana dhiso xukuumad la jaanqaaday nidaamka dowliga ah, sida uu hadalka u dhigey.

Wuxuu sheegey in 140-kii xildhibaan ee mooshinka keeney oo kaliya ay la noqon karaan mooshinka, aysana jirin cid kale oo mooshinka joojin karta.

Goobjoog News