U bood dhigaalka

WAR DEG DEG: Gudoomiye Jawaari oo hadda soo galay Xarunta golaha shacabka iyo Buuq bilawday

Sheeko:Dalka

Wararka haatan naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu soo gaaray gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Gudoomiyaha ayaa markii uu soo galay xarunta golaha shacabka wararka waxay sheegayaan in xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ay bilaabeen Buuq aad u xoogan.

Xildhibaanada qaarkood waa ay istaagan yihiin, sawaxankana waa mid soconaaya, dhanka kalena saxaafadda weli waa kuwo banaanka jooga oo looma ogolaan in ay gudaha u galaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.