U bood dhigaalka

War Deg Deg : Heshiiska Maamul U Sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo La Saxiixay

Sheeko:Dalka

Waxaa hadda qalinka lagu duugey heshiiska maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe  , waxaana goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa heshiiska wax ka saxiixay qaar ka mid ah wasiirada, guddoomiyeyaasha gobolada Shabellaha Dhexe  Cali Guudlaawey iyo kan Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegey in ay dhamaatay xiligii hal qof uu xayuubsanayay awoodda oo dhan, loona gudbey nidaam federal ah oo dadka deegaan kasta ay leeyihiin talada iyo aayo ka tashigooda.

Xubnaha beesha caalamka oo uu ugu horeeyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa marqaati ka ahaa saxiixa heshiiska, waxaana lagu wadaa in shirka uu furmo dhawaan.

Sida ku xusneyd nuqul ay horey u heshey Goobjoog oo ah jadwalka Shirka ayaa waxa uu qorshuhu yahay in bisha diseembar ee sanadkani la dhameeyo hawsha, lana dhiso baarlamaanka iyo madaxweyne.

Goobjoog News