U bood dhigaalka

WAR DEG-DEG: Nin si weyn loo baadi goobayay oo ka baxsaday ciidamada Kenya

Sheeko:Dalka

Nin looga shakisanyahay in uu xiriir la leeyahay xarakada Al-shabaab oo ay aad u doon doonayeen waaxaha ammaanka dalka Kenya ayaa maanta ka fakaday ciidamada booliska magaalada Mombasa sida uu qoray wargeyska Daily nation.

Afhayeen u hadlay booliska Kenya ayaa laga soo xigtay in ninka baxsaday walaalkiis ka yar la toogtay xilli uu bam gacmeed ku soo tuuray booliska shaqada ku jiray inkastoo bamku uusan qarxin.

Booliska la dagaalama argagixisada ee dalka Kenya magacoodana loo soo gaabiyo ATPU ayaa weerar ku ekeeyay guri uu deganaa la tuhmaha oo ku yaalay xaafada Floringi oo ku taalla Mombasa.

Taliyaha booliska Mombasa Robert Kitor ayaa xaqiijiyay dhacdadan waxa uuna booliska sheegay in ninka laga shakisanyahay uu tababar ku soo qaatay Soomaaliya oo ay soo tababareen rag ka tirsan xarakada Al-shabaab.

Waxa uuna ku eedeysanyahay dil loo geystay dalxiisayaal u kala dhashay dalalka Ruuska iyo Jarmalka oo u dalxiis tagay magaalada duqda ah ee Mombasa.

Qoyska eedeysanaha ayaa dafiray in uu wiilkoodu yahay waxa loogu yeero argagixiye.