U bood dhigaalka

WAR DEG DEG: Saxaafadda oo dibad joog ka ah xarunta golaha shacabka ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta la filayaa in baarlamaanka Soomaaliya uu kulan ku yeesho xarunta golaha shacabka, iyadoo durba la Jeexjeexay buugii xaadirinta mudanayaasha.

Wariyaasha loogu tala galay in ay soo tabiyaan kulanka baarlamaanka iyo wax walba oo halkaasi ka jira, ayaa lasoo sheegayaa in banaanka ay taaganyihiin, gaar ahaan nawaaxiga barxadda Sayidka.

Bashiir oo barlamaanka u qaabilsan dhanka warbaahinta waxa uu sheegay in aan saxaafadda gudaha loo ogolaan doonin, ilaa uu ka yimaado gudoomiye Jawaari, walibana isaga uu bixiyo amarka ah in saxaafadda gudaha loo ogolaado.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale