U bood dhigaalka

WAR DEG DEG:- Xildhibaano qeybinaaya Warqado ay ku sheegeen Mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka gaar ahaan kuwii keenay Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisu wasaaraha bilaabeyn in ay qeybiyaan warqado ay ku sheegeen in uu yahay Mooshin.

Laba ka mid ah Mudanayaashaan ayaa xildhibaanada kale u geeyay warqadaha Mooshinkaan ay ku tilmaameen, hase ahaatee waxaa durba warqadaha Jeex Jeexay, mudanayaasha kale ee Mooshinka diidanaa.

Weli kulanka Baarlamaanka ma aanu furmin, waxaana sidoo kale xarunta golaha shacabka aanu gaarin gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.