U bood dhigaalka

Qarax wayn oo saacado ka hor ka dhacay Kismaayo

Sheeko:War

War  naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in qarax wayn uu ka dhacay gudaha magaalada.

Warar hor dhac ah oo ay heshay Goobjoog FM ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay gaari ay leedahay hay’adda ICRC, kaasoo marayay bartamaha magaalada.

Goob jooge ku sugan  Kismaayo ayaa u sheegay Goob joog FM in gaariga la qarxiyay  uu yaalo goobtii ay waxyeeladu ku soo gaartay.

Ma jirto faahfaahin ku saabsan inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Maamulka KMG Jubba ayaan wax hadal ah ka soo saarin qaraxan. Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM.