U bood dhigaalka

WAR DEGDEG AH : AMISOM oo Sheegtey In 2 Nin oo Hubeysan Ay Wali Ku Dhex Jiraan Xalane

Sheeko:Dalka

Afayeenka AMISOM oo dhawaan la hadlay Goobjoog ayaa sheegey in wali 2 nin oo ka mid ah kuwii soo weeraray xarunta Xalane lagu hareereysanyahay, islamarkaasina ay god ku dhuumanayaan.

Waxa uu sheegey in ragga ay ka koobnaayeen 7 illaa 10 qof, kuwaasi oo 3 ka mid ah ay toogasho ku dileen, 2 kalana ay is qarxiyeen, halka 2 ay god galeen, kuwaasi oo lagu hareereysanyahay.

Waxa uu sheegey in xiligii qadada ciidamada AMISOM oo qadeynaya xabbad lala dulyimid, sidaasina hawlgal ku biloowdey.

Waxa uu sheegey in sifada ay kusoo galeen xarunta ay ahayd si dhuumaaleysi ah, islamarkaasina ay baaritaan ku wadaan.

Mar wax laga weeydiiyey qasaarada AMISOM gaaray ayuu sheegey in ciidamada Soomaaliya u yimaadeen in ay dhintaan, taasina aysan moowduuc ahayn, balse marka hawlgalka dhamaado ay ka hadli doonaan.

Waxa uu sheegey in ujeedka weerarka uu kaliya ahaan in shacabka Soomaaliyeed loo diido nabad iyo xasilooni iyo dowladnimo.

Sidoo kale afayeenka oo ka jawaab

Dhageyso

Goobjoog News