U bood dhigaalka

WAR DEGDEG AH : Golaha Badbaado Qaran Oo Isku Raacay In Ay Codka Kalsoonida Siiyaan Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid

Sheeko:Dalka

Golaha Badbaado Qaran oo ay ku mideysanyihiin ilaa 100 xildhibaan ayaa
kulan ay maanta yeesheen waxa ay isku raaceen in ay codka kalsoonida
siiyaan ra’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke
maalinta Talaadada markii la keeno baarlamaanka.
Xildhibaanadani ayaa  isku raacay go’aankan si dalka uusan markale dib
u dhac la kulmin, horeyna looga socdo halka uu hadda taaganyahay,
lagana soo kabsado wixii dib u dhac ah ee dhacay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 17-kii bishan Ra’isulwasaare u magacaabay
Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke, waxaana lagu wadaa in uu
baarlamaanka hor geeyo si loo ansixiyo sida ay noo sheegeen ilo
xogogaal ah..
Xildhibaanadani ayaa ahaa kuwii diidanaa mooshinkii loo gala noqday
codka kalsoonida ras’iisal Wasaaraha hada siiya xilka 6dii bisha
Diseembar e sannadkan.

Goobjoog News