U bood dhigaalka

Shirkii Wada Hadalka Maareynta Mooshinka Madaxweynaha Oo Baaqday

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa dib u dhac uu ku yimid shir la doonayay in maanta uu furmo, kaasi oo looga hadli lahaa mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cumar Aden Qaadi oo akhriyay bayaanka ayaa sidoo kale sheegay in shirka loo hakiyay sababo la xiriira Ra’isul wasaaraha oo dalka ka maqan, lagana yaabo in uu soo laabto 10ka bisha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa Talaadadii shaaciyay in Maanta oo Arbaco ah ay Xildhibaanada Mooshinka keenay ka soo qeyb galaan shirka wada hadalka maareynta Mooshinka.

Xildhibaanada ayaa Goobjoog News soo gaarsiiyay galabtii Talaadada War saxaafadeed ka kooban 7 qodob kaas oo ay ku diidayaan ka qeyb galka shirka ilaa inta uu Jawaari ka fasirayo waxa uu ula jeedo “Mooshinta waa la soo afjaray”.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo Maanta la hadlay Goobjoog News ayaa ku celiyay mar kale in aanay ka qeyb gali doonin shirka wada hadalka maareynta Mooshinka Madaxweynaha.

August 12, 2015:  Xildhibaano ka badan 93 ayaa soo saaray  qoraal ka kooban sagaal bog oo lugu sharaxayo  mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dalka Xasan Sheekh.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyanaha ku eedeeyay  falal ku saleysan xadgudubyo culus oo lid ku ah Qaranimada Soomaaliya,  wax qabad la’aan, hoggaan xumo xaga amniga iyo qoddobo kale.

Guddoonka baarlamaanka ayaa isla maalintaas  gacanta loo geliyay Mooshinkan, waxaana la sheegay in laga yaabo inay Maxkamadda sare ee dalka u gudbiso, si ay usoo hubiso eedeymaha Madaxweynaha ay u jeediyeen Xildhibaanada, haddii ay soo xaqiijisana uu Baarlamaanka markaas dood gelin karo.