U bood dhigaalka

WAR DEGDEG AH : Wariyeyaal Goobjoog Ka Tirsan oo La La’yahay

Sheeko:Dalka

DEG DEG GOOBJOOGWariyeyaal ka tirsan idaacadda Goobjoog ayaa la la’yahay caawo meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyada oo markii dad ugu war dambeysey ay gudanayeen hawlahooda shaqo casirnimadii maanta, gaar ahaan goobtii uu qaraxa ka dhacay  ee Afisiyoone, halkaasi oo ay hawl shaqo u aadeen.

Wariyeyaasha warkooda la la’yahay waxa ay kala yihiin Maxamed Salaad Cusmaan oo ah madixa barnaamijyada iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf  oo ka Mid ah Wariyaasha Goobjoog.

Maamulka Goobjoog ayaa walaac ka muujiyey maqnaashaha wariyeyaasha, waxaana lagu guda jiraa baadi goobka warfidiyeenada oo ay taleefoonada dansanyihiin.

Wariyeyaal kale oo goobta qaraxa ka dhacay galabta joogay ayaa sheegey in labada wariye ay meesha ku arkeen iyaga oo waajibaadkooda gudanaya.

Goobjoog News