U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo Cambaareysay Dib u Dhaca Doorashooyinka Somaliland

Sheeko:Dalka

Beesha Caalamka oo war-murtiyeed ka soo saartay doorashooyinka Somaliland ayaa cambaareyn kulul u soo jeedisay madaxweynaha, axsaabta siyaasadda iyo guddiga doorashooyinka Somaliland go’aankii wadajirka ay ku qaateen ee dib u dhaca doorashooyinka maamulka.

War-murtiyeedka oo Khamiistii soo baxay, saxaafadduna ay dhawaan heshay, ayaa si aad ah loogu cambaareeyay dib u dhac kasta oo lagu sameeyo doorashooyinka, laugna sheegay in haddii la dhageysan waayo, ay taasi keeni karo in ay kalsoonida iyo wadashaqeynta dhaw kala noqdaan maamulka.

War-Murtiyeedka Ayaa u Qornaa Sidan:

Beesha Caalamku waxay si aad ah ugu muujineysaa iney la danqaneyso dhibaatooyinka abaaraha ah oo hadda ka jirta deegaannada Somaliland, wixii kaalin ahna ay ka geysan doonto wayna sii wadi doonaan kaalmadooda si loola tacaalo abaarta ka dhalatay biyo la’aanta, waxayna sheegeen iney xaaladda si dhaw ula socdaan.

Raadka abaarta ee daran ee bulshada waa mid aan marnaba la inkiri karin walwal xoog ahna leh, si taakuleynta looga qeybqaatana waxaa loo baahan yahay hoggaan si degdeg ah loo doorto beesha caalamkana la shaqeeya, beesha caalamku waxay ra’yigooda ka dhiibteen magaalada Hargysa, iyagoo sheegay inaan marnaba dib u dhaca doorashooyinka gaashaan looga gambado aan looga dhigan dimuqraadiyadda iyo doorashooyinkii la wada sugayay.

Beesha Caalamku waxay aad uga niyadjabsan tahay go’aanka ay sida wadajirka ah u qaateen madaxweynaha iyo axsaabta siyaasadda iyo guddiga doorashooyinka oo dib loogu dhigay doorashooyinka illaa 10,October, 2017, doorashooyinkii waxaa dib loo dhigay muddo sanad ku dhaw, walwalka waxaa sii xoojinaya in Somaliland ay leedahay baarlamaanka 12-sano jirsaday oo aan mudadaa dheer doorasho gelin. dib u dhac kastaa oo aan arrin adag loo cuskan waxay waxyeelanaysaa kalsoonida Beesha Caalamka oo kharash farabadan  ku baxiyay arrimaha doorashooyinka oo ay ahayd iney si wadajir ah loo qabto tan madaxweynaha iyo baarlamaanka wakhti hore 2015.

Dib u dhacan waxa uu dhibaateynayaa sumacadda Somaliland oo qarka u saaran iney weydo taageerada beesha caalamka oo markii hore tixgelineysay dimuqraadiyadda curdinka ah ee kusoo kobcaysa Somaliland.

Xukuumadda Somaliland  iyo axsaabta siyaasadda ayaa loogu baaqayaa iney dib u eegis ku sameeyaan go’aankii dib u dhigista doorashooyinka oo doorashadu ay ku dhacdo xilligeeda, iyadoo tan baarlamaankana aan dib looga dhigin sanadkan 2017, waxaan ugu baaqaynaa maxkamadda Dastuuriga ah iyo Golaha Guurtida iney si gaar ah u eegaan, iyo in la dajiyo qorshe wanaagsan oo kuraasta baarlamaanka si cadaalad ah loogu qeybinayo gobollada.

Wadamada war-murtiyeedkan soo saaray ayaa kala ah; Denmark, EU Delegation, Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands iyo Norway, Sweden, United Kingdom, United States of America.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, madaxda Saddexda xisbi siyaasadeed iyo guddiga doorashooyinka Somaliland oo 25, bishan, 2017 waxay si wajir ah u soo saareen go’aan dib loogu dhigayo doorashooyinka madaxtinimo oo qorsheysnaa 28, March, 2017.

Goobjoog News