U bood dhigaalka

War murtiyeed—Qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee Waxbarashada Qaranka

Sheeko:Dalka

1. Wargelin Sida uu qabo sharciga Waxbarashada Guud ee dalka, sannad dugsiyeed kasta dhammaadkiisa waa in arday kasta waxbarashadiisa la qiimeeyaa, la diiwaan geliyaa, la keydiyaa lana ogeysiiyaa natiijada imtixaanka. Sidaa daraaddeed arday kasta oo dhaemysta Dudsiga Sare waxaa ku waajib ah inuu u fariisto imtixaanka shahaadiga ah ee qaranka.

Waxaa guul weyn u ah Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare inay soo gebagebeysay diyaar garowgii weynaa ee loo galay howlaha imtixaanka, Hadaba, maalinta Sabtiga ah ee ay bisha Maajo tahay 20ka, 2017da waxaa la qaadi doonaa imtixaanka Shahaadiga ah ee heerka labaad ee waxbarashada qaranka (Imtixaanka Dugsiga sare).

Sannad dugsiyeedka 2016/2017 waxaa imtixaanka u fariisanaya 23000 oo arday waxaana lagu qaadi doonaa 77 xarumood oo ka tirsan afar maamul Goboleed oo kala ah Galmudug, Hiiraan Shabeelle, Koonfur Galbeed, Jubba Land iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa si toos ah uga qeyb qaadanaya howlaha imtixaanka 77 kormeerayaal, 77 kaaliyeyaal, 1368 ilaaliyayaal, 962 amni sugayaal iyo saraakiil amni iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.

1. Codsi
Waxaan ka codsanayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waaliddiinta, ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo ciidamda ilaalinta nabad gelyada waddooyinka inay mas’uuliyad iska saaraan sidii loo xaqiijin lahaa qaadista imtixaanka, una fududeeyaan ardayda galista imtixaanka.
Waxaan si gaar ah uga codsanayaa madaxda iyo shaqaalaha Dowlad goboleedyada inay soo dhoweeyaan kormeerayaasha iyo howlwadeennada imtixaanka ee ka socda Dowladda Federalka ah, gacanna ku siiyaan sidii ay howlohooda ugu fududaan lahayd isla markaana ilaaliyaan ammaanka ardayda, howlwadeennada iyo imtixaankaba.
2. Mahadcelin

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii xaqiijiyay oo taabba-gal ka dhigay howlaha imtixaanka kuwaasoo ay ugu horreeyaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, heer federal iyo heer maamul goboleed.

Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Hey’adaha waxbarashada waaddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, ciidamada qalabka sida qeybohooda kala duwan oo ay ka mid yihiin Booliska, Nabad sugidda iyo Xoogga Dalka, doorkii ay ka qaateen xaqiijinta imtixaanka.

Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo madaxdooda taageerada joogtada ah ee ay siisaan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xilliyada imtixaanka.

DHAMAAD