U bood dhigaalka

War Murtiyeedka Kulankii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa arbacadii waxaa uu booqday dalka Itoobiya isaga oo halkaasi kula kulmay ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Dessalegn.

Labada mas’uul waxaa ay si qoto dheer uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, taasi ay ballan-qaadeen, waxaa la isla afgartay.

Wadahadallada labada dhinac waxaa ka soo baxay war murtiyeedkan hoos ku qoran:

  1. In Heshiisyadii Labada dal horay u galeen la sii xoojiyo, lana dedejiyo fulintooda.
  2. In la sameeyo guddi heer sare ah oo diyaariya wada shaqeynta labada dal.
  3. In la fududeeyo dhaq-dhaqaaqa adeegga iyo dadka ee labada dal.
  4. In la taageero AMISOM sidii ay u xasilin laheyd Soomaaliya.
  5. In la dhiso ciidamo tayeysan oo Soomaaliyeed si ay ammaanka ugala wareegaan AMISOM.
  6. In la dhowro heshiisyada caalamiga ah ee al xiriira arrimaha qaxootiga
  7. Waxaa ay wal-wal ka muujiyeen burcad badeedda dib ugu laabatay Soomaaliya.
  8. Waxaa ay isla garteen heerka dhibaatada banii’aadamnimo ee ka jira geeska Afrika, waxaana lagu heshiiyay iskaashi
  9. In Soomaaliya loo madax-banaaneeyo arrimaha shirka London
  10. In wadamada IGAD ay hal cod oo mideysan ku tagaan shirka London.

Goobjoog News