U bood dhigaalka

War Murtiyeedka Shirka IGAD Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka, War

Shir madaxeedka 28aad ee waddamada IGAD ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdusho iyaddoo halkaas laga soo saaray qodobo ka kooban ilaa 22 oo ay saxaafadda ku akhrisay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya.

Qodobadda ayaa kala ahaa:

Adkeynta ixtiraamka ay IGAD u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhulka iyo dadka Soomaalida.

in Soomaalida loo daayo ka tashiga aayahooda

In dowladda qabato Doorasho 2016-ka

in ay taageerayaan go’aannada madasha hoggaanka qaran

in dowladda Soomaaliya ay sanadkan qabato doorasho

in la qabto doorasho hufan, xor ah oo waqtigeeda ku dhacda

Waxaa la ammaanay dhismaha maamu goboleedyada iyo dhameytirka midka socda ee Hiiraan iyo Shabeellada dhexe

Waxaa AMISOM lagu ammaanay kaalinta ay ka qaateen nabadeynta Soomaaliya

Al-shabaab ayaa la dhaleeceeyay gaar ahaa weerarada ay ku qaadaan AMISOM iyo dowladda.

Waxaa la faray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda in ay howlgallada sii wadaan

Waxaa lagu dhawaaqay sanduuq dhawaale oo Soomaliya ay ku taageerayaan waddamada dariska iyo beesha caalamka

IGAD iyo Waddamada dariska in ay sii taageeraan Soomaaliya

Beesha caalamka ayaa looga mahadcdeliyay taageerada ay siiso Soomaaliya

Waxaa la dhiirigeliyay in laga shaqeeyo Nabadda iyo xaisloonida

In dadka Qaxootiga Soomaalida ka shaqeeyaan dib u dhiska dalka

in shirka Qaramada Midoobey ee September New York ka dhacaya lagu qabto shir banii’aadamnimo

IGAD iyo nabadda ay Soomaaliya ka hirgelineyso ayaa la soo qaatay

Wasiirra IGAD in ay diyaariyaan shirka Djabuti

Soomaaliya oo looga mahadceliyay marti gelinta shir madaxeedka iyo qodobo kale,

Goobjoog News