U bood dhigaalka

War Murtiyeedka Shirka Madasha Doorashada 2016-ka iyo Qodobadii Ka soo Baxay

Sheeko:Dalka

Shirka Madasha wadatashiga oo maalmahaan ka socday Muqdisho ayna ka qeyb galayeen Dowladda Federaalka, hogaamiyaasha maamul goboleedyada, bulshada rayidka,  iyo xubno ka socda beesha caalamka ayaa waxa uu ku soo dhamaaday is afgarad ay beesha caalamka gar wadeen ka tahay oo ah isku dhafka nidaamka qabiika iyo maamul goboleedyo.

Sida la filayey waxaa la go’aamiyay in aqalka hoose wax lagu qeybsado 4.5 halka Aqalka sare ay soo xulayaan Maamul goboleedyada dalka ka jira, arrintaas oo sida muuqata loo arkay in looga bixi karo aragtida 2016-ka.

Shir Jaraa’id uu qabtay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas waxaa uu sheegay in go’aankan aanu aheyn wixii ay u soo wakiilatay Puntland isagoo sheegay in ay qaadacayaan, lakin dadka siyaasadda falanqeeya waxaa ay ogyihiin in arrintan ay tahay dab damis.

 

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay shirka:

Baarlamaanka ama Aqalka Hoose: 

Baarlamaanka waxaa uu noqon doonaa 275 kursi.

Baarlamaanka waxaa lagu soo xulayaa 4.5

30% waxaa la siinayaa kuraasta Haweenka.

Codeynta iyo doorashada waxaa ay ka dhaceysaa caasimadaha Maamul goboleedyada dalka.

Aqalka Sare ama Golaha Guurtida:

Golaha guurtiga ama Odayaasha waxaa la dhisayaa Baarlamaanka ka hor.

Waxaa uu ka koobnaan doonaa 54 Xubnood.

48 Xubnood oo aqal sare ah waxaa si siman loogu qeybin doonaa Maamuladda (Somaliland, Puntland, Galmudug, Hiraan/Middle Shabelle, South-West, Jubbaland) halka 6-da dheeraadka ah loogu dari doono Somaliland iyo Puntland maadaama ay waqti hore jireen.

30% Aqalka sare waa in uu noqdaan Haween.

Xulashada waxaa sameynaya Maamul Goboleedyada jira.

 

Goobjoog News