U bood dhigaalka

Waraabe Oo Dalbaday In La Joojiyo Wada Hadalka Soomaaliland Iyo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Soomaaliya aaney dowlad ka jirin, qaladna ay aheyd in la dhaho waxaa lala hadlayaa Soomaaliya, isaga oo soo-jeediyey in Muuse Biixi uu soo saaro qaraar lagu joojinayo wada hadalka.

“ Qalad bey aheyd inaan niraahno Soomaaliya baan la hadlaynaa, dowlad aan jirin inaan la hadalno maahan, waxaan jecelnahay markii uu madaxweynuhu yimaado in qaraar dowladdu soo saarto oo la yiraahdaa, wax wada hadal ah aan Soomaaliyo la yeelanayno majiro, maadaama aysan jirin wax dowlad ah oo dadka ka wakiil ah oo nala siman oo dadku soo doorteen”

Sidoo kale Faysal ayaa carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay Soomaaliland  u horseeday dhibaato, ayna ku daaleen wada hadalka  aan miro dhalin ee marwaliba Soomaaliya ay la yeeshaan.

“ Wada hadalka Soomaaliland ay la leedahay kolba kooxdii timaada Xamar waxaa ay nagu noqotay dhibaato, markaan addunka u tagno waxaa nagula yiraahdaa Soomaaliya ayaad wadahadal kula jirtaan waa intaas oo heshiisaan ka hordhici mayno”

Dhanka kale Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Soomaaliya Kacaankii ka dib aan dowlad ka dhalanin, assaga oo ugu baaqay saxafiyiinta ka howlgala Soomaaliland inaan mar danbe la oranin dowladda Soomaaliya.

“ Dowladdii  dhacday ka dib dowlad may jirin, waxaan leenahay wadahadalka hala joojioyo, cilaaqaadkooda hala joojiyo, hana la joojiyo mediyaha  dowladda Soomaaliya aad leedihiin”

Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay dalka Gini, kaas oo si heer sare todobaadkii tagay u soo dhoweeyey madaxweynaha Somaliland.

Goobjoog News