U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helay Duqeyn Diyaaradeed Oo Lala Beegsaday Xubno Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaarado dagaal ka geysteen deegaanno ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka, Baay iyo Shabellaha Hoose.

Duqeymahan ayaa ka kala dhacay deegaannada iyo degmooyinka kala ah, Jilib, Salagle, Buula Fulay, Hargeysa Yarey iyo kuwo kale.

Diyaaradahan ayaa dhowr gantaal ku dhuftay goob munaasabad Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Salagle, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, balse lama oga inta uu la egyahay.

Degmada Jilib ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta kale ay ka dhacday, waxaana lala beegsaday xubno Al-shabaab ah oo ku wajahnaa dhanka Jubbada Dhexe, waxaana ay isugu jireen saraakiil Ajaaniib ah oo ka dhinac dagaallama Al-shabaab, kuwo Soomaali ah iyo ciidankii ilaalinayey, welina faah faahin lagama helin dhanka khasaaraha.

Duqeymaha kale ee ka kala dhacay Buula Fulay, Hargeysa Yareey iyo deegaannada kale ayaa iyana lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Weli dhanka Al-shabaab lagama hayo faah faahin rasmi ah oo ku saabsan duqeyntan iyo sidoo kale khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Goobjoog News