U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helay Qaraxii Siinka Dheer Iyo Guddoomiyaha Sh/hoose Oo Ku Dhaawacmay

Sheeko:Amniga

Waxaa is soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii goor dhoweyd ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo warar dheeraad ah la helayo.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay sheegayaan in mas’uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxaasi uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Ibraahim oo ay isla socdeen guddoomiyaha deegaanka Lafoole.

Sidoo kale, wararka ay heleyso Goobjoog ayaa sheegaya inuu dhintay mid ka mid ah askartii ku dhaawacantay qaraxan, iyadoo khasaarahana uu intaasi ka badan karo.

Warkaan wixii kusoo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonnaa Insha Allah.

Goobjoog News