U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Qarax Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo gabaldhacii shalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Gaari siday qudaar islamarkaana ka yimid deegaannada Gosha ayaa Miino nooca dhulka lagu aaso ah la qaraxday, iyadoo halkaasi ay dad shacab ah ku geeriyoodeen.

Saddex qof oo gaarigaasi la socotey ayaa la xaqiijiyey in halkaasi ay ku dhinteen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 kale.

Saraakiisha amniga Jubbaland ayaa qaraxaasi sheegay inay ka dambeeyeen Xarakada Al-shabaab, islamarkaana dadka shacabka ah ay miinada iyaga u aaseen.

Deegaanno ka tirsan Jubada Hoose marar badan waxaa sidaan oo kale uga dhacay qaraxyo sababay khasaare soo gaara shacab aan waxbo galabsan.

Goobjoog News