U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Khasaarihii Ka Dhashay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho Oo Sii Kordhaya

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaarihii ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa waxaa geystay qof Naftii hure ah, kaasi oo watay Gaari la sheegay in uu ahaa NOHA, isaga oo gaariga ku dhuftay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada dowladda oo ilaalinayay Safiirka.

Khasaaraha Dhimashada ayaa ka badan 10 qof, iyadoo dhaawaca uu ku dhaw yahay 20 ruux oo u badan shacab.

Dadkii ugu badnaa ee dhaawac ah ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo dadka qaar ee halkaasi la geeyay ay dhaawacyo halis ah qabaan.

Saraakiisha caafimaadka Isbitaalkaasi waxa ay Goobjoog News u sheegeen in lasoo gaarsiiyay 20 qof oo dhaawac ah, 3 ka mid ah dadkaasi ay ku geeriyoodeen Isbitaalka, 13 qof ay yihiin kuwo xaaladooda daran tahay, halka 4 qofna uu soo gaaray dhaawacyo fudud, ka dibna loo fasaxay in xaafadahooda aadaan.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaasi, iyaga oo sheegay in weerarkaan uu ahaa mid ay muddo diyaarinayeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wax war ah kama aanay soo saarin weerarkaasi Ismiidaaminta ah ee maanta lagu qaaday safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya.

Goobjoog News