U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari, kaasi oo lagu weeraray xarunta degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Wararka ay heleyso Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in burbur xooggan uu soo gaaray guud ahaan xarunta degmadaasi, waxaana sidoo kale burbur xooggan uu soo gaaray dhammaan guryihii ku dhowaa halkaasi.

In ka badan 10 qof ayaa dhaawac uu soo gaaray, iyadoo weli aan la hayn tiro sax ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray gaadiidka gurmadka ah, waxaana la daabulayaa dadka waxyeelladu soo gaartay.

Xilliga qaraxan uu dhacayey waxaa degmada Hodon ka socday shaqooyinkii caadiga ahaa, iyadoo gaarigan lama filaan halkaasi ugu qarxay.

Ma jirto cid ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay qaraxan, iyadoo weli gurmadka uu socdo.

2-adii bishan ayeey ahayd markii qarax Ismiidaamin ah oo xooggan sidan oo kale loogu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News