U bood dhigaalka

Warar Horudhac Ah Oo Laga Helayo Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Howlwadaag

Sheeko:Amniga

Warar horudhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax aad u xooggan oo goor dhow ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyey walxaqa qarxa ayaa lagu weeraray xaruntan oo halka ay ku taallo ku badan yihiin guryo ay leeyihiin dad shacab ah.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku geeriyootey Saddex qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in halkaasi ay ku burbureen Masjid iyo Dugsi Qur’aan oo arday badan dhiganeysay, laakiin lama oga khasaaraha soo gaaray ardaydaas.

Gabi ahaanba waxaa burburay dhismaha xaruntii degmada Howlwadaag, welina waxaa socda gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeellada soo gaartay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News