U bood dhigaalka

Warar Horudhac Ah Oo Laga Helayo Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Ismiidaamin oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan lagu weeraray Hoteelka SYL ee Muqdisho.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa kaasi oo ahaa kuwa xamuulka qaada.

Gaariga is qarxiyey waxaa saarnaa qof naftii hure ah, waxaana la sheegay in uu si xoog ah kusoo dhaafay Koontaroolka ciidamada amniga ee Isgoyska Sayidka.

Waxa uu gaarigan isku qarxiyey inta u dhaxeysay Hotelka SYL, Koontaroolka Koowaad ee Madaxtooyada iyo Hotelka Siyaad, waxaana halkaasi waxyeello ay kasoo gaartay dad u badan shacab.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay dad ka badan 10 qof, iyadoo sidoo kale dhaawaca uu kor u dhaafayo 30 qof.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana jira dad qaba dhaawacyo halis ah.

Hoteelka SYL ee Muqdisho waxaa ka soconayey kulan dood furan ah oo ku saabsan amniga dalka, waxaana ka qeybgalayey xubno ka mid ah Labada kale ee dowladda, saraakiil ciidan iyo dad kale oo kulanka ku casuunnaa.

Qaraxa waxa uu dhacay marka uu kulankaasi dhammaaday, islamarkaana mas’uuliyiinta qaar ay goobta ka tageen.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Labo wariye oo ka tirsan Goobjoog News, kuwaa oo howlo shaqo u joogay hoteelka SYL, iyadoo xaaladoodu tahay mid roon.

Qaraxan waxa uu ahaa mid aad u xooggan waxaana laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, wuxuuna bubur soo gaarsiiyey dhismayaal halkaasi ka dhawaa, iyadoo Hotelka SYL uu soo gaaray burbur aad u xooggan.

Saraakiisha amniga weli kama aanay hadal qaraxaan iyo khasaaraha guud ee uu geystay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Q6 Q5 Q4 Q3 Q2 Q1

Goobjoog News