U bood dhigaalka

Warar Kala Duwan Oo Ka soo Baxay Qarax Al-shabaab Ka Fuliyeen Gudaha Kenya

Sheeko:Amniga

Sida ay sheegatay Al-shabaab 5 ka mid ah ciidmada Kenya ayey arbacadii ku dileen gobolka Lamu ee xeebta waqooyi ee dalka Kenya.

Sarkaal Kenyaan ah ayaa sheegay in askarta lagu dilay meel u dhaxeysa Majengo iyo Bodhei kadib markii gaarigooda uu bam ku dul istaagay.

Dhanaca kale, Lieutenant Colonel Paul Njuguna ayaa  Reuters  u sheegay in ay dhaawacmeen 6 askari oo 2 ka mid ah ay dhaawacyo halis ah qabaan balse aaney dhimasho jirin.

Ma jiro, ilo madaxbannaan oo sheegi kara xaqiiqda warka labada dhinac ka soo baxay, laakin waxaa la ogyahay inuu weerar dhacay.

Goobjoog News