U bood dhigaalka

 Wararka Qatar:  Turkiga Oo Ciidamo u Diraya Doxa Iyo Trump Oo La Hadlay Tamiim

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Turkiga ayaa waxa uu cod Aqlibiyad leh ku ansixiyay heshiis ah in dowladda Turkiga ay Qatar u dirto ciidamo milatari .

Heshiiskaan ayaa waxa uu yahay mid milatari oo ka dhaxeeya Turkiga iyo Qatar kaasi oo labada dowladood ay kala saxiixdeen dabayaaqadii sanadkii 2015kii , heshiiskaan ayaa Turkiga waxa uu siinayaa in magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar uu ka dhisto saldhig millatari.

Heshiiska ayaa sidoo kale waxa uu qeexayaa in ciidamada Qatar iyo kuwa Turkiga oo wada jira ay dhoola tus millatari ay ka sameyn karaan dhulka, cirka iyo badda.

Heshiisskaan ayaa waxa uu dhaqan galayaa marka uu ansixyo madaxweynaha Turkiga iyadoo si degdeg ah loo fulin doono.

Dhanka kale madaxweynaha mareykanka D. Trump ayaa qadka taleefoonka kula xiriiray Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamad isaga oo u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xaliyo dhibaatada ka taagaan Khaliijka.

Trump ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay inuu ku dadaalayo sidii ay xasilooni u heli lahedy mandiqadda Khliijka.

Madaxweyne Trump ayaa carabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in dhammaan dowladaha Khaliijka ay iska kaashadaan ayna kawada shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa maalgalinta kooxaha argigixisada , isagoo tilmaamay in midnimada Khaliijka iyo xiriirka adag oo kala dhaxeeya Mareykanka ay tahay labo arin oo asaas u ah in lajabiyo argigixisada.

Goobjoog News