U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay askar ka mid ah maamulka Jubba oo ku dhaawacmay shil ka dhacay duleedka Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose waxaa shalay ka dhacay shil gaari, kaa oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo ka mid ah maamulka KMG ee Jubba.

Ciidamadii dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana wararka saaka ay tilmaamayaan in ay yihiin ciidanka kuwo xaaladooda ay kasoo rayneyso sidii hore.

Wariyaha Goobjoog Fm ee magaalada Kismaayo oo gaaray Isbitaalka magaaladaasi, waxa uu soo sheegayaa in xaaladda ciidamadaan oo ka badan Shan ay tahay mid hagaagsan, islamarkaana dhaqaatiirta ay sheegeen in gudaha magaalada wax looga qaban karo.

Gaariga dagaalka ee rogmaday shalay waxa uu ka yimid dhanka deegaanka Buulo Gaduud, waxaana ciidankaan ay kaso qeyb qaateen howlgal lagu xaqiijinaayay amaanka guud.

Halkaan hoose ka dhageyso.

 Goobjoog News