U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamada Koonfur Galbeed Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Dagaalkan oo shalay dhacay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay ku dhinteen Labo qof iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay sida Goobjoog News u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Wararku waxay tilmaamayaan in weerarka dagaalkaasi ay lahaayeen ciidamada Al-shabaab, kadib markii duulaan ay ku qaadeen fariisin ciidanka Koonfur Galbeed ku lahaa deegaankaasi.

Saraakiil u hadashay Koonfur Galbeed waxay sheegeen inay dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena ay hub ka furteen.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen inay guul ka gaareen dagaalka ay la galeen ciidanka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen ciidankaasi.

Xaaladda guud ee deegaanka Goofgaduud ayaa ah mid deggan, waxaana Al-shabaab sidan oo kale ay dhowr jeer weeraro ugu qaadeen deegaankaasi.

Goobjoog News