U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dab Xalay Ka Kacay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Dab xooggan ayaa habeenkii xalay aha wuxuu ka kacay Labo kaalin shidaal, kuwaasi oo ku yaallay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dabkaan ayaa markii hore ka kacay mid kamid ah Kaalmahan, wuxuuna u gudbay middii xigtay.

Sidoo kale dabka ayaa saameeyey xarumo kale ganacsi oo halkaasi ku dhowaa, kuwaasi oo gabi ahaanba gubtay.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in dedaal xooggan ay sameeyeen dab damiska iyo sidoo kale dadka shacabka ah lagu guuleystay in ugu dambeyn dabka la damiyo.

Sidan oo kale marar badan kaalmo shidaal oo ku yaalla magaalada Boosaaso waxaa uga kacay dab, iyadoo dabkaasi ka bilowdo korontada xarumahaasi ku jirto.

Goobjoog News