U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dad habeenkii xalay ahaa lagu dilay deegaanka Gololey ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaadday deegaankaasi waxaana ay dileen 4 qof oo shacab ah, iyaga oo dhaawacay 5 kale sida ay dad goobjoogayaal ah inoo sheegayaan.

Dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa lasoo gaarsiiyey Isbitaal ku yaalla magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Gololey ee Shabellaha Dhexe ayaa walwal ka muujiyey xaaladda deegaankaasi, waxaana ay ka baqayaan in mar kale la dagaallamo.

Maamulka gobolka Shabellaha dhexe weli wax war ah kama aanay soo saarin dadkaan lagu dilay deegaanka Gololey oo qiyaastii 45 km u jira magaalada Jowhar.

Goobjoog News